Al-shabaab oo war kasoo saartay Qraxyadii Maanta

0

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyada qaraxyo xoogan iyo weerar toos ah oo goordhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya .

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano katirsan kooxdooda ay ka dambeeyeen weerarka, waxaana Warka Al Shabaab lagu sheegay in dagaalyahano kooxdooda katirsan in ay howlgal ka wadaan meel ku dhaw Madaxtooyada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha dowlada ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada, howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab wali ma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo weerarka dagaalyahano katirsan kooxdooda goordhaw ka geesteen meel ku dhaw xarunta Madaxooyada Soomaaliya.