Al-shabaab oo Weerar ku dilay Taliyihii Ciidanka DFS ee Buurhakaba

0

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta inta u dhexeysa Degmada Buurhakaba iyo Baydhabo lagu dilay Taliyihii Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Degmada Buurhakaba, Cabdiraxmaan Cusmaan Abroone iyo Askartii la socotay qaarkood.

Sida ay wararku sheegayaan inta u dhexeysa Baydhabo iyo Buurhakaba iyagoo maraya ayaa weerar jid gal ah lagu qaaday, waxaana weerarkaas ku dhintay Abroone iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa iyadoo sidoo kale ay weerarka ku dhaawacmeen tiro kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee la socday Kolonyada la weeraray ayaa sheegay in 5 ka mid ah Dagaalyahannada Shabaab ee weerarka qaaday ay dileen, isla markaana ay goobta weerarku ka dhacay iyagu joogaan.

Weerarka ayaa dhacay Goor dambe oo Galabta ah, waxaana lagu warramayaa in Ciidamada dowladdu ay Gurmad ka heleen ciidamo ku sugnaa degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.