Al-shabaab oo weerar ku qaaday Lamu

0

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha Kenya ayaa fuliyay weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Boolisku ku leeyihiin gobolka Laamu ee dhaca Xeebta.

Shabaabka ayaa si gaar ah u weeraray saldhig ku yaalla degaan lagu magacaabo Mararaani oo hoostaga Laamu, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo labada dhinac u dhaxeeyay.

Khasaare kala duwan oo labada dhinac ah ayaa ka dhashay dagaalkan, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa weerarka kadib howlgal ka bilaabay degaano hoos yimaada degmada Laamu ee dalka Kenya, ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Lamu.

Taliyaha qeybta Booliska Laamu ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weerar dhabagal ah u geysta ciidanka dowladda ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.