Al-shabaab oo Weerar ku Qaaday Xerada Maslax ee Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan dadka Deegaanka Maslax ee Xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaa xalay halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab.

Goobta uu weerarku ka dhacay waa fariisin ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Xeradii Maslax, waxaana lagu warramayaa in la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay aysan weerarro ka dhicin in kastoo Baqdinta dhinaca Ammaanka ah ay jirtay.