Al Shabaab oo weerartay saldhiga milatariga Soomaaliya ee Janaalle.

0

Dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab ayaa saakay waabarigii weerar ku qaaday Saldhig milatariga Soomaaliya ku leeyahay degmada Janaalle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal aad u xoogan oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan uu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac walow ay sheegeen ineysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sheegeen in ay ka hortageen weerarka kaga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen oo ay dagaalka ku dileen laba kamid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay  hub u badan qoryaha AK47 ay ka furteen Al Shabaabkii weerarka ku soo qaaday.

Weerarkaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dolwadda ee degaanka Janaale ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Ciidamada dowladda oo howlgalo lagu baacsanayo Shabaab ay ka sameeyeen deegaanada ku dhaw dhaw degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.