Al-shabaab oo Xalay fariismo Ciidan ku gubay Shabeellaha dhexe

0

Al-shabaab ayaa xalay weeraray Bar ay ciidamada dowladdu ku baari jireen Gaadiidka oo ku taalla inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Halka weerarku ka dhacay waa Bar koontarool oo ku taalla Ceelka Geelow, waxaana Ciidamada dowladda oo waqti saqdii dhexe ah ku sugan halkaas weerar ku qaaday koox hubeysan oo Shabaab ka tirsan.

Al-shabaab ayaa sheegatay in halkaas ay ku gubtay Guryo u dhisnaa ciidamda dowladda ee goobta ku sugnaa, waxaana dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamadii goobta ku sugnaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 2 Askari oo labada dhinac ah, halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Halkaas oo markii hore ay Shabaab qabsadeen waxaa la sheegayaa in ay xalay goor dambe oo Salaadda Subax loo dhowaa ay isaga Baxeen, in kastoo ilaa iminka aysan Imaan Ciidamadii dowladda ee horay u joogay halkaas.