Alex Vidal Oo Noqday Dookha Seddexaad Ee Macalin Enrique

0

Barcelona ciyaaryahankeeda Alex Vidal oo laga rabey inuu buuxiyo booska Dani Alves ayaa hada noqday dookha seddexaad ee Macalin Luis Enrique safka Barcelona,waxaana xidigaan laga doorbiday xidigo kale.

Hogaamiyaha kooxda Barcelona ayaa go’aansaday inuu ciyaaro shax ka kooban seddex daafac waxaana uu iska saaray Alex Vida oo u arko inuusan kooxda waxba kusoo kordhineyn,waxaana hada boosaskaasi laga ciyaarsiindoonaa Rafinha ama Roberto.

Sidoo kale Mascherano ayaa mararka qaar ka ciyaaridoona booskaas , laakiin waxaan oo dhan waxaa ay dhicidoonaan marka ay seddex daafac noqonto shaxda Barcelona.

”Waan ku faraxsanahay ciyaartooydeeyda,” ayuu yiri Luis Enrique oo wax laga weydiiyey arinta Alex Vidal.

Xidigaan ayaa hada waxba ka qaldaneeyn marka la fiiriyo waana ciyaaryahan dhameeystiran waxaana uu kooxda Barcelona u imaaday inuu ka ciyaaro daafaca midigta laakiin sida ay wax ku socdaan waxaa la dareemayaa inuu gudan waayey waajibkiisa.

Marca ayaa dareensan inay adkaandoonto in la buuxiyo booska Alves ee kooxda Barcelona, laakiin waxaa la dareemayaa in Alex Vidal uu wax ka barandoono go’aanada Macalin Enrique.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here