ALOW UR U BIXI..

0

Waxaa soo idlaaday Hankii laga qabey dhismaha iyo waxqabadka Ciidanka Xooga Dalka, kadib markii uu shaqada ka tegey Jeneraal Jimcaale Cirfiid laguna bedeley Gaashaanle Cabdiweli Gorod oo hal mar Afar darao la dalacsiiyey.

Waxaa la ii sheegay inuu Mr Cabdiweli Maalmahaan oo dhan ku dhex jirey Madaxtooyada Soomaliya taasuna waxay sababtay in durba lagu bedelo Taliyihii Ciidanka Xoogga Mr. Cirfiid oo ahaa Sarkaal Hogaanmintiisa la hubo.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya waxay u kala baxaan Afar qaybood. 1- Ciidanka lugta. 2- Ciidanka Badda. 3- Ciidanka Cirka . 4- Ciidanka Dfaaca Cirka. Ninka noqonaya Ciidanka Xoogga waa inuu noqdaa Ciidanka Lugta haddii horumar Ciidankaas lala rabo.

Inta aan ka qaano Mr. Cabdiweli waxa uu Ciidanka qortay 1972, (Cali Biid). Waxa uu ka baxay Kuliyadda Jeneral Daa’uud oo lagu barto duulidda (Wedida) Jasnada (Diyaaradaha Yar-Yar). Waxaa qabtii ugu dhacday 1991 isagoo Gaashaanle ah, waxa uu soo muuqday markii ugu horaysey Xukuumaddii CARTE (2000) .waxa uu noqday Wasiir,.

kadiba waxaa la waayey meel uu dhigay jaan iyo Cirib, iyadoo sidaasi jirto ayaa dhawaan waxaa lagu arkay Madaxtooyada Soomaliya wax yar ka dibna waxaa loo magacaabay taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, waa ka dar oo dibi dhal. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Anigoo xumaa ayaan Xoon I cunay” Ciidankii tabcaanka ahaa haddaa godkiisii biyo ugu galaan. Ilaahoow badbaadi Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Cabdi naasir  xirsi iidle