Amisom oo bilowday ka bixitaanka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho

0

Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay ciidankoodu ugu saarayaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb. Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto gacanta Soomaaliyeed.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay maalmihii la soo dhaafay in ay ka guuraan Garoonka Muqdisho Stadium, kaas oo muddo ka badan 10 sano fariisin u ahaa.

Garoonka ayaa la dhisay sanaddii 1978-dii, kaas oo lagu qabsan jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxayaan Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda ciyaaraha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.