ANIGA IYO SIYAASIGA BEESHAYDA. W/Q: Shafici Roraye

0

Waxaa xafiiskayga iigu yimid mid aynu qaraabo nahay, oo aqoon yahan ah inta aan ogahayna darajada labaad ee jamacada dhameeyay,
Wuxuu igala hadlay in beesheenu aysan dawlada xil fiican ka helin, isagoo xanaaqsan ayuu igu yidhi “waxaad ka mid tahay dadka saamaynta leh, waa in aad dawlada dacaayadaysaa, madaxwaynaha caysaa, xumaantoodana buunbuunisaa”
Waxaan waydiiyay, hadii aan intaas sameeyo maxaan ka faa’iidaynaa?

Wuxuu iigu jawaabay “Doqon ayaa tahay, war dadka bulshada saamaynta ku lihi dadkooda ayay u hiiliyaan, beel kasta sumcad iyo sharaf ayay dawlada ku leedahay dhalin yaradeeda ayaana gaarsiisay”

Waxaan mar kale waydiiyay isla Su’aashii hore, Hadii aan dawlada la dagaalo beeshaydu maxay ka faa’iidaysaa?

Wuxuu si fudud iigu yidhi “xilal badan ayaynu helaynaa sida beelaha kale, beel kasta dhalinteeda ayaa halkaas gaarsiisay”

Waxaan ku idhi, adigu hada maxaad iigu timid?
“Dawlada ayaa kursi la iiga balan qaaday, kursigaasna mid inoo qalma ma ahan, in aan dhalin yarada ku kiciyo dawlada ayaan rabaa si aynu xaqeena uga helno, adeer wax aan inoo qalmin ma qaadanayno” ayuu si kulul iigu meeriyay,
Hagaag hada ayaan Dowlada weerar ku qaadayaa, mida aan ku dhigana waad arki doontaa, ayaan hadalkaygii ku bilaabay, “haaa, libaax baa tahay, reer Rooraaye kartidaas waan ku aqaanay” ayuu warkii iiga kala jaray,
Sug adeer inta aan idhi ayaan hadalkaygii sii watay, hadii aad kursigaas ku guulaysato mushaarkaaga meeqa ayaad iga siinaysaa? Ayaan uga naxsaday,
Inta uu qumaati ii soo eegay isagoo isha igu gubaya oo laga dheehan karo wajigiisa in uu isleeyahay “Waad fahamtay sirta ka dambaysay qorshahayga” ayuu dareenkii ku soo duxay qosol been ah ku tirtiay, iguna yidhi, “ha igu cayaarin niyahow, waad ogtahay beel dhan yaa mushaar u qaybin kara?, in aan jagadaas helno inagoo dhan ayay dani inoogu jirtaa, anigu afar sano uun baan haynayaa, afarta dambe in aad qadato ayaa macquul ah”
Hadii aanan kursi u baahnayn maxaan ka faa’iidayaa? Ayaan hadana waydiiyay,
“Dadkaas ayaad ula siman tahay waxaa qabiilada kale inaga reebay waa waxaas” ayuu iigu soo gaabiyay,

Waxaan ku idhi hadii aan dawlada la dagaalo, beeshaydu wado ma ii dhisaysaa? Iskuul lacag la’aan ah ma ii dhisaysaa? Alshabaab ma iga dhicinaysaa? Itoobiya dalkayga ma iiga difaacaysaa? Kenya badayda ma iiga soo celinaysaa? Dunida safaarado aan Baasaboorka beeshayda ka qaato ma iiga dhisaysaa? Safiir ma u soo diraysaa Uganda xaqayga ii difaaca? Maxay beeshaydi ii qabanaysaa hadii aan dawladayda dumiyo?

Niyahow waligiin kursi ha helinina heerna ha gaarinina meel hoosaysana jooga inta aan dawlad la’aan ahaan lahaa,
Mar dambana dulinimo noocaas ah ha iila imaan, waxaan ahay shaqsi xor ah, dantaada shaqsiga ah si aad u gaarto magaca beeshayda ha iigu soo gamban, waligaa wax barasho ma iga dhiibteen? Sideen dawladayda u dumiyaa?

Anigoo halkaa sii marsiinaya ayuu afka gacanta iga saaray, ” bes bes adeer nin waashay baa tahay in aad fiyowdahay ayaan moodayay iga raali noqo” ayuu igu aamusiyay, “waan sii baxayaa nabadeey waa inoo maalin kale” ayuu igu yidhi isagoo kursigii iga soo hor jeeday ka sii kacaya
Haye nabad galyo ayaan ku idhi,Mindhaa maalin dambe war noocaas ah iilama yimaado.

Tuug raba in uu dantiisa shaqsiga ah ku gaaro ayaa ku gambada qabiil iyo beel, hadii uu jagadaas helo isaga qof aan ahayn oo wax ka fa’iidayaa ma jiro, hal maalina waluusan qado kaa bixinayn, marka maxaad caqligaaga, cilmigaaga iyo cimrigaaga ugu qasarinaysa Qabyaalada,

Horta xor noqo.

W/Q: Shaafici Rooraye

Sha.roraye@hotmail.com

Sha.roraye7@hotmail.com