Aqriso: 7 Qodob Oo Ay Ka Simman Yihiin Dalalka Lebnon Iyo Soomaaliya

0

Kadib is-casilaadda ra’isul wasaarihii lebnon Sacad Al-xariiri, faragelinta uu ka sheegtay in dalal badani ku hayaan Lebnon iyo isku-deyga dil uu ka badbaaday kadib markii xukuumadiisa ku guul-dareysatay hub ka dhigista maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan, waxaa ii soo baxay 7 qodob oo ay iskaga mid yihiin Lebnon iyo Soomaaliya.

Qodobadan 2 ka mid ah waa laga soo gudbay, laakin 5-ta qodob ee ugu dambeysa weli waa taagan yihiin, kuwaas oo haddii aan xal loo helin jiritaanka Soomaaliya uu khatar ku jiro.

Hadaba, Akhriso, 7bada Qobod Oo Dhameystiran:

Dagaallada Sokeeye: Dalka Lebnon waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo socday 15 sano intii u dhaxeysay(1975-1990), kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 150 kun, iska-hor imaadyo badan oo dhex-maray Muslimiinta iyo kuwa Christian-ka ah, waxaa ay keeneen in dad badan oo labada dhinac ah qaxaan. Si la mid ah Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo bilowday marka uu dagaalka Lobnon dhammaaday, dagaalka Soomaalida oo u dhaxeeyay qabaa’il Soomaaliyeed qiyaas ahaan waxaa uu socday in ka badan 25 sano, waxaana ka dhashay  in dad badan oo Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac iyo kufsi .

Khad Cagaaran:  Inta uu socday dagaalka sokeeye ee dalka Lebnon, Magaalada Beirut waxaa loo kala degay labo, Qeybta bari oo Christian-ka u badan yihiin iyo qeybta galbeedka oo muslimiinta ah,  waxaa la dhex-dhigay khad cagaaran. Si la mid ah, magaalada Muqdisho waxaa 1992-dii ka dhacay dagaal lagu hoobtay kaas oo markii uu dhammaaday lagu heshiiyay khad cagaaran oo u dhaxeeyay koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho, Beirut weli sidii ayuu khdaka u yallaa.

Ciidamo Nabad Ilaalin: Jaamacadda Carabta ayaa isku raacday in Lebnon loo diro ciidamo Suuriyaan ah si loo kala dhex-galo  kooxaha, amnigana la soo celiyo, 2 sano kadib 1978-dii golaha ammaanka waxaa uu dalkaasi u soo diray ciidamada UNIFIL kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in xukuumadda Lebonon ku gacan-siiyaan sidii ay dalka ugu fidi-laheyd, illaa hadda waa joogaan. Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin waxaa loo soo diray labo-jeer, 1992-1994 oo qaramada midoobey ahaa iyo 2007-hadda oo dalal Afrikaan ah ka hirgeliyeen howl-galka AMISOM.

Nidaamka 4.5: Dalka Lebnon waxaa loo qabtay shirka Dhaa’if ee Sacuudiga 1989-kii, shirkaasi oo lagu soo afjaray dagaalka sokeeye waxaa lagu sheegay in kuraasta baarlamaanka iyo jagooyinka loo qeysado muslim iyo Christian, illaa hadda madaxweynaha waa Christian, guddoomiyaha baarlamaanka waa Shiico halka ra’isul wasaaraha laga dhigo qof Sunni ah. Soomaliya waxaa loo qabtay 2000 shirkii Carte, waxaa halkaasi ka dhashay nidaamka 4.5, kaas oo illaa iyo hadda lagu dhaqmo.

Faragelinta Shisheeye: Dalka Lebnon 28 sano kadib markii uu dagaalkaasi sokeeye dhammaaday, dalkaasi waxaa uu ka dagi la’yahay faragelinta shisheeye, Sacuudiga, Suuriya iyo Carab ah oo meel ah iyo Iran oo Shiico ah, waxaa ay noqotay goob lagu loolamo. Soomaaliya waxaa faragelin ku haya dhammaan dalalka caalamka, reer galbeedka waxaa ay la baxeen “Beesha caalamka” Xalane ayey fadhiyaan, cadaadiskooda ma yara, Carab saameyn in ay ku leedahay siyaasadda Soomaaliya waxaa daliil kuugu ah Khilaafka hadda ka jira Khaliijka iyo waxa socda, Afrikaanta iyo wadamada dariska ah warkooda iskaba daa waa sha’ni kale.

Kooxo Hubeysan: Dalka Lebnon waxaa ka jira ururka Xisbullahi oo ah dowlad ku dhex-nool dalka, waa koox hubeysan, la aqoonsan yahay, dowladda lebnon waxaa ugu jira Xildhibaanno iyo wasiirro, waxa kale oo jira kooxo kale oo Falastiin, Christian ama Muslimiin ah oo hub-sita, dowladda Lebnon waa laga awood badan yahay. Soomaaliya waxaa jooga maamul goboleedyo hubeysan oo sheegaya in 90% dalka hayaan, waxaa intaasi dheer kooxo kale oo dowladda ka soo horjeeda oo hubeysa, sida dowladnimada tahay haddii dalka wixii qori ama ciidan ah aaney dowladda keligeed maamulin oo gacanta ugu jirin halkaasi dhibaato ayaa ka jirta, waana midda heysata Lebnon iyo Soomaaliya.

Dhaqaale Ku Tiirsan Dalal Kale: Dalka Lebnon xukuumadiisa waxaa biila oo lacag siiya dalal kale oo Sacuudiga ku jiro halka xukuumadda Soomaaliya ku tiirsan-yahay deeqaha beesha caalamka, arrintan oo kale marka ay dhacdo waxaa jira maah-maah carbeed oo dhaheysa “Qof aan heysan quutkiisa maalin-laha ah, go’aan ma leh”, waxaa dhibaatada heysata labada dal.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye.