Aqriso: sababta Farmaajo u saxiixi la’yahay qararkii shirkada DP World looga mamnuucay dalk

0

Baarlamaanka federaalka ah ayaa bishii March 2018-kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, taasi oo maamusha dekadaha Boosaaso iyo Berbera.

Qaraar ay labada Aqalka ansixiyeen ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in heshiisyada waawayn sida arrimaha maalgashiga iyo dibadda ay kaliya geli karto dowlada dhexe “oo mas’uul ka ah dalka oo idil”.

DP World ayaa xiligaasi lagu eedeeyay in ay ku tumatay madaxbanaanida, siyaasada iyo qaranimada Soomaaliya, inkasta oo maamulka shirkadaasi ay gaashaanka ku daruureen eedeymahaasi.

Tan iyo markii uu sharcigaasi soo baxay, madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyay wali ma uusan qalinka ku duugin, taasi oo su’aallo ku forara sababaha ku riixay ay ka dhasheen.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ugu dambeyntii ka jawaabay waxa tan iyo waqtigaasi uu Farmaajo u saxiixi la’yahay xeerkaasi.

Khadar oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumada iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay “mid ay curiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka”.

Mudanayaasha ayaa hindisahaasi isku dabariday markii Somaliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshis saddex geesood ah oo lagu balaarinayo marsada Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo.

Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la’yahay in aysan sii fogaan walaalaheen [maamulka] Somaliland iyo in wadahadalka aysan saameyn arrintaasi,” ayuu u sheegay Tv-ga Goobjoog, isaga oo raaciyey “Sharcigaasi waa mid uu curiyey Golaha Shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumada ama madaxweynaha uu wax kala socdo, xitaa saldhiga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto.

Talaabada dalka looga mamnuucay shirkada DP World oo ay kasoo horjeesteen inta badan maamulada ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixaysay Qadar oo saameyn ku leh maamulka Farmaajo.

Xukuumada Farmaajo oo mowqif dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka Khaliijka ayaa lagu dhaliilay in ay u xag-lisay dhinaca Qadar oo taageero maaliyadeed iyo siyaasadeed siisa Villa Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay in xukuumada Farmaajo aysan marnaba ku biirayn isbaheysi ka dhan ah dowladaha Qadar iyo Turkiga.