AQRISO Taariiqda kooban Feysal Cali Waraabe, C/raxman Cirro iyo Muuse Biixi, Kahor Doorashada Isniinta

0

Iyadoo Doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland lagu wado in ay ka dhacdo deegaannada maamulkaas Maalinta Isniinta ah ee foodda nagu soo heysa, ayaa waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh kooban oo dhinacyada, waxbarashada, Siyaasadda iyo Dhalashadaba ah, seddaxda Musharrax ee u taagan xilka Madaxweynenimo.

1- CABDIRAXMAAN CIRRO

Image result for cabdiraxmaan cirro

Dhalashadiisa:-

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dhashay sanadkii 1955 (62 sano jir), wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

Waxbarashadiisa:-

Waxbarashadiisa C/raxmaan Cirro wuxuu kusoo qaatay Sidam Collage ee magaalada Muqdisho, Jaamacada Cairo ee dalka Masar iyo jaamacada Calafornia University.

Luuqadaha:-

Wuxuu ku hadlaa luuqadaha Af Somaliga, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, iyo Finishka. Beesha uu ku abtirsado waa Isaaq

Shaqada:

Cirro waa hogaamiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland oo la aas aasay sanadkii 2011, waana xisbiga ugu da’da yar xisbiyada ka jira Somaliland

C/raxmaan Cirro oo ahaa gudoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland ayaa haatan u taagan inuu noqdo madaxweynaha Somaliland

  • 2- MUUSE BIIXI

Image result for muuse biixi

Dhalashadiisa:-

Muuse Xuseen Cabdi (Muuse Biixi) wuxuu dhashay sanadkii 1948 (69 sano), isagoo ku dhashay tuulo yar oo galbeedka kaga beegan Hargeysa.

Waxbarashadiiisa:-

Muuse wuxuu waxbarashadiisa inta badan kusoo qaatay dalka Ruushka iyo Mareykanka. Sidoo kale Hargeysa ayuu kaga qalin jabiyay dugsiga sare, dhexe iyo hoose

Muuse Biixi waxa uu noqday sarkaal dhanka ciidamada cirka ah, wuxuuna sidoo kale heystaa shahaadada Masterka dhanka dhaqaalaha

Soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cadcadaa wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya 1977

Luuqadaha:-

Muuse Biixi wuxuu ku hadlaa luuqadaha Af Somaliga, Ingiriiska iyo Ruushka. Wuxuuna ku abtirsadaa beesha Isaaq

Shaqadiisa:-

Jaamici Muuse Biix oo ah gudoomiyaha xisibiga Kulmiye, horayna 2 jeer wasiir u soo noqday ayaa hada doonaya inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee Somaliland.

  • 3- FEYSAL CALI WARAABE

Image result for faysal waraabe

Dhalashadiisa:-

Feysal Cali Waraabe wuxuu dhashay sanadkii 1948 (69 sano) wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa

WAXBARASHADIISA:

1965 ilaa 1968 wuxuu ku jiray machadkii tababarka macallimiinta Lafoole ee Afgooye.

1968 ilaa 1973 wuxuu shahaadada kowaad ee engineerinka dhismaha kusoo qaatay Jaamacadda Leningrad ee dalka Ruushka

Feysal Cali Waraabe wuxuu ahaa isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolada Bay iyo Bakool, isagoo markii dambe noqday gudoomiyaha ingineerada dowladii hoose ee magaalada Muqdisho

Luuqadaha:-

Feysal wuxuu ku hadlaa Luuqadaha Af Somaliga, Ingiriiska, Finishka, Ruushka iyo Carabiga. Beesha uu kasoo jeedo waa Isaaq

Shaqadiisa:-

ENG Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ayaa markaan u taagan inuu ku guuleysto doorasha Isniinta dhaceeysa ee madaxtinimada Somaliland

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed