Arday dhammeysatay Caafimaadka oo Imtixaan u Galay la Shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka “Sawirro”

0

Imtixaan ayaa maanta Muqdisho looga qaaday 200 oo Arday soo dhammeysatay Culuumta Caafimaadka ah, kuwaas oo loo qaadan doono Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyeyaal ka mid noqonaya Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka.

Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Liibaan Xuseen Jaamac ayaa sheegay in Imtixaankan Ardayda kusoo Baxda loo shaqaaleysiin doono Ciidanka Xoogga dalka, si gaar ahna Hoggaankiisa Caafimaadka.

Imtixaanka waxaa lagu qaaday Xarunta Jaamacadda Umadda ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Arday ka kooban wiilal iyo Gabdho oo doonaya in ay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga dalka.

Waxay ka shaqeyn doonaan kuwa soo baxa Xarunta Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo sidoo kalena loo qeybin doono Xarumaha Ciidamada dowladdu ku leeyihiin Gobollada.