Arturo Vidal oo ka hadlay sababta loo xijinayo in uu ku biirayo Chelsea

by admin | Thursday, Feb 16, 2017

Chelsea laacibka ay suuqa kala iibsiga ka dooneyso ee Arturo Vidal ayaa sheegay sabab uu uga tegi karo kooxda Bayern Munich kuna aadi doono garoonka Stamford Bridge.

Laacibka dalka Chile ee booska dhexe ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican booska uu ka ciyaaro caalamka oo dhan, warar ayaana sheegaya in £56milyan uu uga dhaqaaqi karo kooxda reer Germany isagoo sanadka dambe ku biiraya kooxda Blues.

Vidal oo ka hadlaya damaca kooxda Chelsea ee isaga ay ku qaadaneyso ayaa sheegay in Bayern uu aad ugu faraxsanyahay sila markaana uu jeclaa Munich ka hor intii uusan ka imaan Juventus Sanad ka hor.

Isagoo ka hadlayay kulankii kooxdiisu la qaadatay Arsenal ee Champions League, Vidal ayaa sheegay in waxa kaliya ee loola xiriirinayo in uu aadi karo Chelsea ay tahay Antonio Conte, kaasoo isaga macallin ugu soo noqday Juve.

‘Kuwan waxaan dhihi lahaa waa warar xan ah oo aan Xaqiiq aheyn. Door fiican ayaan ka ciyaaraa halkan, waxa ay saadaalinayaan waa in aan Conte lasoo shaqeeyay waayaheygii Juventus,’ Ayuu yiri.

‘Balse ma jirto ilaa iyo hadda sabab cad oo aan uga dhaqaaqo Bayern. Waxaan u xirtay funaanaddan weli ma aanan gaarin. Waan faraxsanahay, Xaaskeyguna halkan wey ku faraxsantahay, Xataa carruurteydu wey ku faraxsanyihiin. Anna weli waxaan hadafyo aanan soo koobi Karin ka leeyahay Munich.’

Like it? Share it!

Leave A Response