Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ayaa toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen dilkan inuu ka dambeeyay kadib markii ay wada murmeen askariga oo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo ninka la dilay.
Mooto Bajaajlaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey ayaa dhaawac ahaan markii hore looga qaaday goobta, balse wuxuu ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Beledweyne.
Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana ku daba jira ciidanka ammaanka oo saraakiisha ay ku amreen in gacan ku dhiiglaha gacanta lagu soo dhigo, si sharciga loo horgeeyo.
Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa dhigay banaanbax ay ku dalbanayaan in sharciga la horkeeno askariga dilay qofka shacabka ah.