Axmed Macallin Fiqi,”Dumaashi dagaalka nala soo gal”

0

Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu jawaabay Ihaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) oo maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay haboontahay in xildhibaan Ilhan ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye.

“Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!” Ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhan Cumar ka dalbaday inay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab kula soo biirto wuxuuna yiri ” Dumaashi dagaalka nala soo gal”.