Axmed Madoobe oo Dowlad wayn ku Dacweeyay Farmaajo iyo Khayre

0

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen.

Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay.

Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan.

Danjirahu wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay

Waxaa uu intaas ku daray dagaalka Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in ay Dowlada Federaalku abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada ay Xamar kasoo abaabulayso kuwaas oo ay Jubbaland ka fulinayaan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay Bulshada Caalamka iyo Safiirkana ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah.