Axmed madoobe oo qaaday tilaabo uu kaga hortagayo Damaca DF

0

Madaxweynaha Jubaland ayaa heshiis la galay musharaxiinta isku soo taagay xilka ugu sarreeya maamulkaas.

Axmed madoobe ayaa Nairobi kula heshiiyey Golaha Musharaxinta Isbadal Doonka Jubaland, in dhammaan aysan isi sharixi karin, si dowladda federalku maamulkooda uga adkaan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa u ballan qaaday Musharaxiinta in 2020-ka uu ka dhigi doono, haddii aysan isi sharixin xildhibaan aqalka sare iyo Gola shacabka, qaar kale waxaa loo ballan qaaday in wasiiro looga dhigi doono Xukuumadda cusub ee axmed madoobe uu soo dhisi doono, halka kuwa kale la siiyey lacag ku filan iyo in aysan tartamin.

Madaxweynaha Jubaland arrintan waxaa ka garab siinaya ganacsato iyo siyaasiyiin dano gaar ah ku heysta maamulkiisa iyo jiritaankiisa.

Aragtida guud ee lagu qanciyey musharaxiinta in aysan tartamin, marka laga soo tago lacagaha iyo xilalka ayaa ah in uusan jirin shaqsi kale oo u babac dhigi kara ladagaalan ay sheegeen in maamulka jubaland ay dowladdu ku heyso.