Axmed Madoobe oo sheegay in aan Cidna laga Baryi doonin Maqaamka Muqdisho

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa sheegay in aan cidna looga hibeysan doonin maqaamka Caasimadda oo uu sheegay in uu yahay waajib Dastuuri ah.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka dalka looga fadhiyo in ay Salka u dhigaan Maqaamka Caasimadda, iyadoo ay mudantahay magaalada Muqdisho xuquuq u dhiganta tan maamul Goboleedyadu helaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegaya in Muqdisho ay tahay goobta ugu mudan in la siiyo xuquuqdeeda, ka hor inta aan la siin maamul Goboleedyada, waayo waa halka ay kasoo Farcameen oo looga fakaray dhismahooda.

Muran xooggan ayaa ka taagan cidda maamuleysa Maqaamka Muqdisho, iyadoo aan Muqdisho loo sheegin Xuquuqda ay ku leedahay dowladda si la mid ah dowlad Goboleedyada dalka ka jira.