Baadi goobka Soomaali cusub!! W/Q Abdikadir Dahir Farah

0

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay, allaah, jirraha, aan la dhalin, waxna dhalin
Akhristow, waxaan insha,allaah isku, deyayaa, in aan waxyar, ka iftiimiyo,habdhiskii bulshada Somalia, ee shalay_maanta, iyo somaliyada cusub ee Qofwalba uu raadinayo, sida, ay tahay in habdhiskeedu noqdo, waa hadii aynu rabno, bulsho geli karta tartan, dhaxalna u hesha nabad iyo horumar waara.

Akhristow marka aad doonayso, in aad ogaato horrumar, bulsho, ay gaartay, ama awooda bulshada ee ay ku gaari karto horrumar, waxaa muhiim ah in bulshadaas laga eego labo tiir oo aas,aasi ah.

1: habdhiska bulshada: marka aynu leenahay habdhiska bulshada waxa aynu ka hadlaynaa, hab_nololeedka bulshada, Qaabka ay bulshadu u kala sarayso, kaas oo go,aamiya ismaqalka, is ixtiraamka, iyo kala dambaynta bulshada dhexdeeda yaal, si ummadi ay ugu guulaysato hayaan keeda horrumar baaxad wayn oo waara, waxaa akhristow lagama maarmaan ah in ummadaasi ay leedahay habdhis guud oo kan yar u sheegaya, in kan wayn uu uga sareeya da,da iyo garaadka, sidaas darteedna uu ixtiraamo, meelaha bulshada aayaheeda lagu gorfeeynayana uu uga dambeeyo, kaas oo akhristow bulshada kala hagaya una sheegaya qofwalba halka uu bulshada uga jiro, ayna tahay in lagu ixtiraamo, midaas hadii ay timaado bulshadu waxay noqonaysaa mid is maqasha, qofwalbana uu ogyahay yay tahay in uu siiyo ixtiraam, iyo yay tahay in uu ka fisho ixtiraam, hadii aad tahay arday dhigta dugsiga hoosse waa in aad ogataa in kuwa dhigta dugsiga sare iyo kuwa kasii sareeya intaba ay kaa mudan yihiin ixtiraam, waxaa dhacaysa hadii habkaani uu bulshada ka dhexjiro in la hello isu dheeli tiraan bulshada dhexdeeda ah, ee aan bulshadu noqon dad wax wada sheegaya nin walbana ay tahay in isaga la dhegaysto.

Akhristow bal inta aad dib u fiirisid bulshada soomaliyeed ee manta, iswaydii ma leedahay kala sarayn da,da, aqoonta, waaya aragnimada iyo dhaqanka, oo ay wax isaga dhegeystaan iskuna tixgeliyaan, hadaan aniguba jawaabta kusiiyo waa maya, bulshada soomaliyeed iskuma tixgeliyaan waxa ay is dheer yihiin, ee ah aqoonta, waaya aragnimada, cimriga iyo dhaqanka,waana mida keentay in ummada meel la,isugu keeni waayo, maxaa yeelay kuwa isku deyaya in ay bulshada isku keenaan, ma aha kuwo bulshadu u aragto in ay leeyihiin awood sharci oo ay isugu keenaan (normative structure) .

Akhristow waxaad iswaydiin kartaa maxaa sababay in la waayo kuwo ay bulshadu u aqoonsato kuwo xaq uleh in ay isu keenan, xalna ka gaaraan dhibaatooyin kooda, sababtu waxaa weeye, waxaan jirin oo bulshadeena waligeed lagusoo ababin, habdhiska kala saraynta bulshada , sidaas awgeed dadka nin walba waa amiirsaxane ah cidna aan aamin sanayn in ay wax dheertahay taas oo ay tahay in uu dhegaysto.

2: Hugaan: akhristow tiirka 2aad waa hadii uu burbur ku yimaado habdhiska bulshada, waa in la helo hugaan sharci ah, oo dadka ku khasbaya, in ay sharciyada u hugaansamaan, dhexdoodana is ixtiraamaan, dibna usoo celiya, haduusan jirina abuura habdhiska bulshada, maxaa yeelay hadii ay dawladu burburto waxaa dalka ama bulshada badbaadin kara horrumar keedana ka shaqayn kara, waa dadka ay bulshadu u taqaano kuwo lagu daydo, waxna iyaga dheer, oo ah culimada, aqoon yahanka, iyo dhaqanka bulshada, lakiin ka waran hadii aan bulshada looba sheegin in ay kala sareyso isna ixtiraamto, bulshadii oo aan kala sarayn lahayna, uu burburo hugaankii sare, waxaa dhacaya wixii ku dhacay illaa maantana haysta bulshada soomalida, waxaa burburay dalkii, dawladii iyo dadkii dhamaan.

Hadaba akhristow somalida ay tahay in aynu raadino si ay u dhisto Somalia cusub waa in ay lahaataa habdhis kala sarayn awoodeed oo ay isku tix geliso, waa in ay lahataa hugaansare oo isagoo kaashanaya, habdhiska bulshada shacabka ku hanuuniya horrukac dhaqaale, mid bulsho, iyo siyaasad intaba, hadii akhristow labadaan tiir oo iskaaba, midna uusan keligii cidlo istaagi Karin ay meesha ka wada baxaan, ama midkood ka baxo, ogow bulshadas waxaa ku jira ragaad inta ay dib u kicinayso tiirarkaas ama tiir ka baxayna ma suurto gelayso in ay horrumar hayaan u gasho.

Akhristow maqaal kaan gaaban, ugama wada hadli karno, habdhiska bulshada laga rabo in ay yeelato, si ay horrumar u gaarto, waxaan insha allaah isku deyayaa in aan ka dhigo taxane , anoo ula jeeda in aan uga qayb qaato baadigoobka loogu jiroSomalida cusub

Wixii su,aal ah ama saxid qalad ah fadlan waxaad iigusoo gudbisaa ( abdikadirf222@gmail.com)

Qore: Abdikadir Dahir Farah
Abdikadirf222@gmail.com
Mahadsanidiin

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here