Baarlamaanka oo Meelmariyay Sharci Muhiim u ah Umadda Soomaaliyeed “Sawirro”

0

Kulankii Maanta ay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Mudaneyaasha ayaa cod u qaaday Ansixinta Sharcigaan iyadoo ay u codeeyeen 141 Xildhibaan, ma jirin xildhibaan diiday iyo mid ka Aamusay Intaba.

Sharcigaan waxaa horay Baarlamaanka ugu soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo uu ahaa mid muhiimad weyn u xambaarsan Soomaaliya oo hadda lagu tiriyo in ay ku jirto dalalka ugu musuqa Badan Caalamka.

Dhowaan ayuu billaaban doonaa dhismaha Guddiga la dagaallami doona kana hortegi doona Musuqa oo Soomaaliya Ragaadiyay.