Balcad: Ammaanka, Caafimaadka & Waddooyinka ayaa ugu daran Dhibaatooyinka ka jira!

0

Guddoomiyah Demada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in 3da Dhibaato ee ugu waaweyn Degmadaas ee dadku ay la tacaalayaan ay yihiin, Ammaanka, Waddooyinka oo Burbursan iyo Caafimaadka.

Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sheegay in maamulkoodu ay markii hore la tacaalayeen Isbitaal la’aan, oo aysan degmadu laheyn wax Isbitaal ah iyo Burburka Waddada Muqdisho ilaa Jowhar isku xirta ee Balcad-na marta.

Wuxuu sheegay in ay uga sii darantahay hadda in Ammaanka Waddad isku xirta Muqdisho uu noqday mid halis ah, isla markaana ay Al-shabaab dhowr mar oo hore jidkaas weerarro ka fuliyeen, welibana aan sidii la doono loogu safri karin.

Hadalkaan wuxuu ka sheegay Guddoomiyuhu kulan ay Balcad ku qaateen Maamulka degmada iyo Wasiirka Amniga Dalka oo halkaas Booqasho ku tegay, waxaana ay wasaaradda Amnigu ballan qaadday in Baahiyaha dhinaca Amniga ah ay wax badan ka qaban doonto.