BANAADIR OO BEEJADII (BUURYADII) ISKA GOYSEY!

0
Doqontu yaan lagaaga darin ayay u dagaal la’dahey, ma jirto xuquuq la isa siiyo, hurdo, aamusnaan iyo iska fadhi midna guul laguma gaaro, shaqo, dadaal, ku noq-noqosho iyo wax qabad ayaa la isku dhaafey, hubaashii saami walba oo aad leedahay haddii aadan soo dhacsan cidna ha ka sugin iney HADIYAD  ahaan kuugu keento.
Xilli kala guur ah ayuu Wadanku ku jiraa, sed bursi iyo wax kala riixasho aad u xoog badan ayaa socota, muruq ayaa la isu sheeganayaa, awood qabiil iyo mid deegaaan midii wax lagu heli karo ayay u muuqataa in la isu baheystey, dabacn…. orodka siyaasadeed ee lagu jiro waa lagu kala dheereeyey, qaar ka mid ah  Madaxda Gobolada iyo beelahooda waxay xusul duub ugu jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen saami  ka badan xaqooda, halka qaar kalana ay ka la’ yihiin qaybtii ay Qaranka ku lahayeen ee Dastuuriga aheyd.
Dagaal ba’an oo ku aadan sidii metalaad iyo wakiilo loogu yeelan laha aqalka sare ee la dhisayo ayaa Soomaaliya ka dhacey, hurda weynayaasha G/Banaadir mooyee intii kale ee gobolada Dalkeena waxay qaateen cadkii ay ku lahaayeen aqalkaasi, Banaadir  waxba ma laha ayaa la soo dhajiyey, kurastii Muqdisho waxaa madaxa loogu salaaxay Somaliland iyo Puntland, la yaab iyo amakaag bay noqotey sida fudud  ee loogu dhiiradey in xaqii G/Banaadir la siiiyo deegaano kale.
Guux in muddo ah socdey  oo lagaga dhii-dhinayay arintaasi ayaa shaley sidii FOLKAANE oo kale u Qarxay, kadib markii uu Magaalada Muqdsiho ka dhacey Dibad bax  aad u balaaran oo  lagu diiidan yahay tacadiga lagu hayo Magaalada Muqdsiho, banaaan baxaasi oo gil-gilay Dalka oo idil ayaa isbadal wuxuu ku sameeyey aragtidii laga qabey in si sahal ah loo liqi karo xuquuqda Gobolkaan, cabsi iyo khal-khal ayaa la soo darestey Horjoogayaal badan oo diidanaa in Banaadir ay boos ku yeelato aqalka sare, sawirkii  ka soo baxdey banaan baxaasi ayaa horseed ka noqdey in Qab-Qablayaal badan ay ka tanasulaan maro ku dhegnimadoodii ku qotontey in la qadiyo G/Banaadir.
Xaqiiqdii banaan baxaasi ayaa ahaa bilow wanaaagsan oo aad loo soo dhaweeyey  maadaama uu ku soo beegmey waqti munaasab ah oo arinta aqalka sare ay mareyso meel xasaasi ah, waa ALLE mahadii iyo wax lagu farxo haddii ay baraarugtey bulshadii reer Banaadir isla markaana ay isugu timid  banaanbax ay danahooda uga hadlayaan, cadaalad daro in muddo ah laga tabanayey madaxda Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa soo dadajisey oogida  banaan baxaasi, “Xamar ka xishooda oo xaqiisa siiiya, Banaadir diide dooni meyno iyo Muqdisho wa hooyadii Midnimada mana aogolaaneyno iney matalaad ka weydo aqalka sare” ayay si qiiro iyo wadaninmo leh ugu dhawaaqayeen bulshadii banaan baxaasi ka qeyb qaadaneysey.
Rafasho dheer dabadeed maanta G/Banaadir  wuu iska gooyey BEEJADII ama BUURYADII wuxuuna la mid nodey Goboladdii kale ee Soomaaaliya, naf hurnimo la sameeyey kadib haatan waxaa la ogolaadey in Gobolkaan Qoondadiisa laga siiyo aqalka sare,  Deeq, I-sii, Hibo iyo Fadhi kuma imaanin xuquuqda loo soo celiyey G/Banaadir balse waxay ka dhalatey rag ka rooni ay sameyeen bulshada qaarkeed,  amaaan, bogaadin iyo hambalyo  waxaa mudan Masuuliyiintii iyo Madax Dhaqameedkii u istaaagey iney diidaan gardarada lagu hayo Gobolkooda, kuwaasi oo horkacayey banaan baxaasi.
Talaabadaan ayaa ah GUUL cusub oo u soo hotey shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada gayigeena, waa dhab in la helay hal natiijo oo la raadinayay hase yeeshee FAANOOLE FARI KAMA QODNA waxaana loo baahan yahay in halganka uu halkiisa laga sii wado si loo keeno xuquuq walba oo maqan, iyadoo tani ay fure u noqon doonto in G/Banaadir uu helo fursado  fara badan oo la mid ah kuwa la siiyo Maamul Goboleedyada Dalkeena oo kale.
Waxaa Diyaariyay:–
C/laahi Xasaan Shiiaaloow
Email:-shiiaaloow114@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here