Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud.
Ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay Khawaarijta ku xasuuqeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.