Banaanbaxyo rabashado wata oo ka bilowday Kenya

0

Taageerayaasha isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA ayaa Dibadbaxyo balaaran waxa ay ka bilaabeen Magaalooyinka ay Mucaaradka Ku xoogan yihiin taasi oo ay kaga soo horjeedaan Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha dalka ee IEBC Kadib markii maalinimadii shalay uu hoggaamiyaha Mucaaradka shaaciyay in uu isaga haray Doorashada.

Dibadbaxayada ayaa ka bilowday Fagaaraha xoriyada ee loo yaqaano Uhuru Park ee Magaalada Nairobi, Wadooyinka Waa weyn ee Magaalada Kisumu iyo Dowlad Degaanka Homa Bay, waxaana ay ku qeylinayeen in Mudaaharaadka ay kula soo biiraan hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

Barasaabka Ismaamulka Kisumu Mr Anyang Nyong’o ayaa waxa uu ku biiray Dibadbaxa ay taagerayaasha Mucaaradka dhigayaan, iyagoo hor istaagay xarunta Guddiga Doorashada ee Magaalada Kisumu.

Mr Nyong’o ayaa sheegay in IEBC ay haatan ay heysato waqti ku filan oo ay u isticmaali karto Doorashada oo lagu sixi karo qaladaadka si dalka ay uga dhacdo Doorasho kadib markii uu xilkaasi isaga haray Raila Odinga.

Isaga oo boqolaal Ruux oo Mucaaradka ka tirsan la hadlay ayaa waxa uu sheegay in shacabka ismaamulka Kisumu ay ku Kalsoon yihiin Go’aanka ay isaga hareen Doorashada Hogaamiyaha NASA iyo Ku Xigeenkiisa Mr Kilonzo Musyoka.