Bangiyadeena waa ka cabaneynaa waana u cabsaneynaa.!

0
Bangiyadeena waa ka cabaneynaa waana u cabsaneynaa.!
Labo Bangi oo caalami ah ayaa cagaha soo dhigaya ciida soomaaliya dhawaan xili dad badan ey ka cabanayaan bangiyada Soomaaliya halka qaarna ey u cabsanayaan bangiyadaas laftooda.
1) Banque misr oo la furay sanadkii 1920 kii lagana leeyahay dalka masar oo ey ka shaqeeyaan 20 kun oo shaqaaale ah, lehna 13 milyan oo macaamil ah iyo 80 xarumood gudaha masar ah sidoo kalana xarumo kuleh wadamada germany, UAE, France, gaana,lubnaan iyo Ruushka ayaa wuxuu leeyahay 168 mashruuc oo la xiriirta arimaha maaliyadda , Dalxiiska, guryeynta,beeraha, adeegyada guud, iyo is gaarsiinta .
2) ziraat Katilim waa bangi aan facweyneyn waxaana la aasaasay 2015 kii waxaana laga leeyahay wadanka turkiga wuxuuse qeyb ka yahay Ziraat finance group oo hoos taga Ziraat banks oo ah mid facweyn oo turki laga leeyahay Lana aas aasey 1863 dii .
Si kastaba ha ahaatee waxaa la isku raacsanyahay in dalku u baahan yahay shirkado caalami ah kuwaasoo ku xiri karo ganacsiyada caalamka dhaqaale xoog leh oo dhaafsiisan bajaaj la muraabaxeeyana wadanka keena waxaase ayadana xusid mudan in dhaqaalaha soomaalida ee shirkadahooda tabarta yar la ilaaliyo oo xad loo yeelo shirkadaha ajnabiga ah.
Bangiyada soomaalida oo ah kuwo sidey doonaan ka yeela macaamiisha una shaqeeya qaab u muuqda qof wax haysta ayaa wax loogu daraa isla markaana aan sameynin maal galino waaweyn oo wax u tara dalka iyo dadka shaqo abuurna sameeya badankood ayaa la filiyaa in ey candhuufta dib u laqaan waqtiyada soo socda
Sidoo kale waa in loo cabsado ayagaa laftoodu waayo waa kuwa dalka iska leh waana in la xadidaa waxyaabaha ey ka qabanayaan gudaha dalka bangiyadas ajnabi.
Madaxweyne Hassan sheikh oo bogaadin ku mudan arintaan waxaa looga fadhiyaa in uu shirkadaha kale sida isgaarsiinta iwm uu usoo fasaxo dalka si shaqo abuur loo helo .
W/Q Hassan H Ahmed.