Banki ku yaalla Mandhera oo tii dheereyd Xalay ka dhacday kadib markii…

0

Waxaa Xalay koox hubeysan ay weerar ku ekeeyeen mid ka mid ah Bankiyada Kenya Ee Ku yaalla Magaalada Mandhera Ee Gobolka Wuqooyi Bari.

Weerarka waxa uu ku bilowday Qarax iyadoo kadibna rasaas ay xigtay oo iskahorimaad uu udhaxeeyey Ciidanka Ilaalada iyo Dableydii weerarka qaaday.

Inta la xaqiijiyey waxa dhintay Hal Askari oo ilaalada bankiga ka mid ahaa oo saaka meydkiisa loogu tagey Banaanka Xaruntaasi waxaana faah faain kale laga bixin weerarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay weli Mas’uuliyada weerarkaasi balse waxaa la rumeysan yahay in Ururka Al Shabaabka Soomaaliya weerarkaasi ka dambeeyeen.

Saaka ciidanka Amaanka ayaa buux dhaafiyey Halkaasi waxaana xiran oo loo maleenayaa in maanta shaqeyn doonin Bankigii xalay weerarka lagu qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here