Barakac ka bilaawday deegaano ay ka baxeen Ciidamada Kenya

0

Todobadyadii la soo dhaafay ciidamada Kenya ayaa waxa ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo,waxana deegaanada qaar la wareegay Ururka Al-Shabaab, hayeeshee ka bixitaankaas Maamulka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyey.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan tegay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Kenya ee deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay walaac ku abuurtay Jubbaland iyo dadka Shacabka ah intaba.

Waxa uu sheegay in deegaanadii ay ka baxeen Ciidamada Kenya ay bilaabeen dadka Shacabka inay isaga barakacaan, iyaga oo ka casbi qaba in dushooda lagu dagaalamo,waxana uu sheegay in dhawaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay dib ula wareegi doonaan deegaanadas.

Deegaanka Faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaanada ay baneeyeen Ciidamada Kenya,waxaana warar aan heleyno ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay sidoo kale ka bixi doonaan deegaanka Buusaar ee gobolkaasi gedo.