Barakacayaashii Dagaalka Degaanka Caad oo wajahaya Xaalad nolol Xumo

0

Xaawo Cismaan Cabdi waxaa iyada iyo sagaal carruur ah oo agoon ah oo ay dashay hoy iyo harsi u ah geed hoostiis. Dhar iyo alaab midna ma wataan. Waxay halkaas ku hoyanayaan tan iyo saddexdii bishan kaddib markii ay ka soo barakaceen deegaanka Caad oo hoos-yimaada magaaalda Xarar-dheere ee gobolka Mudug, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Waxay ka mid tahay 480 qoys oo ka soo barakacay deegaannaada kala ah Caad, Ceel-cabdi, Gabdhaale, Waable iyo Dhex-kaxiran oo ka wada tirsan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Xaawo ayaa raadiyo Ergo u sheegtay inaysan haysan dhar iyo gogol oo ay carruurta dhulka seexiso. Waxay raashin caawimaad ah oo bur iyo bariis lix kiilo ah ka heleen maamulka degaanka camaar oo qoysaska u soo gurmaday markii ay halkaas gaareen.

Waxay deegaanka Caad ku haystay dukaan ay ku iibin jirtay bagaashka ka hor inta aysan soo barakicin. waxay sheegtay in kowdii bishan labadii habeenimo oo dagaal uu ka dhacay deegaankooda ay ku qasbanaadeen inay ka soo baxaan guryahooda.

“Saddex maalin iyo saddex habeen ayaan jidka ku soo jirnay, dadka ma jirin qof xitaa kabo soo qaatay, wixii aan haysannay waan kasoo cararnay, cunno ma cunin cagaha biyo ayaan naga galay nafta uun baa nagu jirtay”

Xaawo oo ay la socdeen carruurteeda iyo abbaheed oo waayeel ah, oo wiilkeeda u yar jiro saddeed sano waxa ay sheegtay in biyo uun ay helayeen intii ay jidka ku soo jireen oo hadba meel ku hakanayeen si ay astaan u helaan, mararka qaarna geedaha caleentooda ay cunayeen si ay nafta ugu celiyaan.

Nuur Saalax Xuseen waa madaxa guddi maamulka deegaanka Camaara uu u xilsaaray u gurmashada dadka barakaca ku yimid deegaanka. Wuxuu raadiyo Ergo u sheegay inay wadaan gurmad ay dadka magaalada deegaanka ka soo aruuriyaan oo isugu jira lacag iyo raashin kadibna ay dadka u qaybiyaan.

Qoysaskan dagaallada ka soo barakacay oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo kuwa ganacsiyo yar yar ku haystay tuulooyinka ayaa qaar ka tirsan waxaa maamulku dejiyay iskuulka hoose-dhexe ee Camaara kaas oo ardaydii dhiganaysay ay fasax ku maqan yihiin ilaa bisha soo socota shanteeda. Waxaa jira qoysas kale oo deggan duleedka deegaanka iyo kuwo dulsaar ku ah ehladooda.

Nasteexo Cilmi yuusuf oo wadata qoys ka kooban 8 qof, waxaay hoy ka heleen dugsiga hoose dhexe ee Camaara. Waxay xustay in maalintii mar ay cunnaan raashin ay siiyaan qoys ay ehlo yihiin oo deggan Camaara kuwaas oo ay ka hesho koombo bariis ah iyo bac baasto ah kaddib markii uu ka dhammaaday raashinkii gurmadka ay u heshay oo ahaa min lix kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ahaa.

Waxay afartii bishan ka soo barakacday deegaanka Waable oo 26km u jira Camaara maalin iyo habeen ay jidka ay ku soo jireen si ay u soo gaaraan Camaara. Maalinti oo kaliya ayey socon jireen halka habeenkiina ay seexan jireen.

Source: Ergo