Barkacayaasha ku nool duleedka Muqdisho oo gudaha magaalada lasoo dejinayo

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay inuu dib  u dejin kusameyn doono dadka kasoo barakacay duleedka magaalada Muqdisho , ee kasoo hayaamay abaarta kasoo salkicisay deegaanadii ay ku noolaayen isla markaana  cooshada duleedyada Muqdisho soo maciin biday .

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah duleedka Muqdisho laga soo rarayo qaar ka mid ah dadka kusoo barakacay halkaasi , islamar ahaantaana la dejinayo guryo loogu diyaariyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in maanta oo Isniin ah, Bari oo Talaado ah iyo Arbacada lasoo rari doono dhamaan Barakacayaasha ku nool duleedka magaalada , kuwaas oo la dejin doono Degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo goobo ku haboon looga sameeyay .

Laakiin Gudoomiye Madaale muusan sheegin sida laga yeelayo kuwa cusub ee Soo gaari doona duleedyada magaalada marka laga raro kuwa haatan degan , waxaase uu sheegay in goobaha la geyn doono kuwan hadda ku nool duleedka Muqdisho ay yihiin meelo aamin ah ayna kaga mad baadayaan in dhac ama dhibaato kale loo geysto sidoo kale ay kaga gamban karaan qabowga iyo roobka .

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here