Baydhabo:-Shirka Madaxda Maamulada Maanta war laga soo saarayo

0

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa Maalintii Saddexaad ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda.

Furitaanka shirka ayaa madaxda waxaa kale oo ay xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha shirka.

Qodobadda ugu waa weyn ee Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah amniga, sidii ururka Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan ,qeybsiga kheyraadka dalka iyo  sidii wax iyaga ay isku waafaqsanyihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka. Waxaana aad loogu jeexjeexay sidii ay meel qura uga is taagi lahaayeen Khliaafka soo kala dhexgalay ayaga iyo Maamulka Farmaajo iyo inay isku raacaan inay ku garab noqdaan Dowladda Imaaraadka oo Khilaaf Xoogan kala dhaxeeyo Dowladda dhexe ee Somalia.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in lasoo Afjaro maanta Gelinka dambe,islamarkaana laga soo saaro Warmurtiyeed.Qodoba laga soo saari Shirkaan ayaa waxaa kamid noqon kara in Madaxda Baydhabo ku shirsan ay cadeeyaam in aysan la Shaqayn karin Dowldda dhexe oo Khilaafka kala dhexeeya uu meel sare gaaray waxaayna baaq u jeedin doonaan Beesha Caalamka si ay u soo Faragaliso Xisaadda Siyaasadeed ee ayaga iyo DFS

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galeysa Shirkaasi ayaa goor dhow Warbaahinta u sheegay in Shirka maanta lasoo gabagabeyn doono.

Gaban gabada Shirkaan Madaxda Maamulada kadib waxaa la filayaa in isla Magaalada Baydhabo uu ka shirka Golaha Amniga Qaranka ee Dowladda Dhexe iyo Hugaamiyaasha Maamulada waxaana DFS uga qayb gali doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha Madaxwaynaha Maxamed Mursal Shikh Cabdiraxman maanta Baydhabo gaaraya. waxaa shirkan uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyay oo shirka Maamul goboleedyada dhexdooda laga soo hormariyay