Baydhabo waxay u baahan tahay badbaado!

0

Magaalada Baydhabo ee ah xarunta maamulka Koofor Galbeed (KG) ee Soomaaliya, waxaa ka socda rabshado ka dhashay tallaabadii ay ciidamda Itoobiya ku xireen kaddibna ugu gacan galiyeen dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mukhtaar Rooboow Cali, kaasoo ka mid ahaa murashaxiinta xilka Madadweynaha maamulka KG kuwooda ugu cad cad. Xariggaas waxaa ka dhashay rabshado ay dad gaaraya 11 qof ku dhinteen ilaa iyo hadda inta la ogyahay, kuwo kalane ay ku dhaawacmeen taasoo ahayd nasiib darro laga fursan karay, haddii Dawladdu ay si wanaagsan u maamuli lahayd arrinta Mukhtaar Rooboow. Waxaa muuqada siyaasad xumo aad u weyn in ay haysato hoggaanka dawladda oo u muuqan kuwa fahamsan qaabka siyaasadda Soomalidu ku shaqeyso. Dalku wuxuu u baahanyahy hoggaan isku soo dhaweeyn kara, fahma oo dhagaysta dareenka  dadweynaha iyo waxa ay rabaan kaddibna go’aan fulineed qaata. Maanta dalku uma baahna in xoog la isku sheegto. Waxay ahayd in ay waano noo qoqoto dhibaatooyinkii na soo maray iyo waxa ay na dhaxalsiiyeen.

Waa Kuma Muktaar Rooboow?

Rooboow, oo ku magac dheer Abuu Mansuur, wuxuu soo caan baxay sanadkii 2006, xilligii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee magaalada Muqdisho ka saareen hoggaamiye kooxeedayadii haystay. Wuxuu ka mid ahaa raggii  ka dhex muuqday hoggaanka Maxkamadihii burburay. Wuxuuna markii dambe afhayeen iyo u noqday kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ahaa ninka labaad ee kooxdaas. Dabayaaqadii sanadkii 2013 ka ayuu soo duubay cod uu ku cambaareeyay hoggaamiyihii kooxda, Axmed Cabdi Godane ee Maraykanku duqeynta ku dilay sanadkii 2014. Rooboow iyo rag uu ka mid ahaa sida, Xasan Daahir Aweys, ayaa ka  baxsaday magaalada xeebta ku taal ee Barawe kaddib markii Axmed Godane amarkiisa lagu dilay rag sar sare ooo Al-Shabaab ka tirsaa iyagana uu amray in Ia dilo.  Ku dhawaad muddo 5 sano ah ayuu ku noolaa isaga iyo maleeshiyo uu Al-Shabaab kala soo goostay deegaanno ka tirsan Koofur Galbeed, ka hor inta uuna isku soo dhiibin Dawladda sanad iyo bar ka hor.

Dawladdu waxay aad u soo dhaweysay isa soo dhiibitaanka  Rooboow wax dambi ahna kuma soo oogin, balse waxay u samaysay maamuus. Sanad iyo barkii la soo dhaafay wuxuu ahaa xor iyadoo la arkayay isagoo dhiig u shubaya dhaawacyadii qaraxii Zoobbe, marar badan oo  kalane boooqanaya qaybo ka mid ah Gobollada Baay iyo Bakool iyo xeryo ciidan.  Ma jirin wax dambi ah oo ay Dawladda Federaalka ah ku soo oogtay Roobow.

Dawladda iyo Rooboow waxay isku dheceen markii uu go’aansaday in uu tartamo xilka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed waxaana muuqatay in markii hore ay dawladdu ka war haysay damaciisa siyaasadeed, sababtoo ah telefeshinka qaranka ayaa laga sii daayay in uu yahay murashax yahay maalmihii hore, laakiin mar dambe ayay arrintaas la xumaatay dawladda. Waxaa  dawaladda u caddaaday in Rooboow ku soo bixi rabo doorashada uuna  ka adkaan doono murashaxa lagu eedeeyo in ay wadato ee C/casiis Lafta gareen waana taas midda keentay in laga shaqeeyo sidii looga reebi lahaa tartanka doorashada, laakiin waxaa muuqata in hoggaanka dawladdu aysan ka fakarin waxa ka dhalan kara talaabada ay qaadday. Sidoo kale ma muuqdo ilaa iyo hadda qorshe ay wax uga qabanayso rabshadaha faraha ka baxay ee ka socda Baydhabo.

Maxuu ku kasbaday kalsoonida shacabka reer KG?

Shacabka ku nool deegaannada Koofur Galbeed waxaa daashaday dhibaatooyin ay ka mid yihiin colaad iyo abaaro soo noq noqday oo saameeyn ku yeeshay noloshooda. Waxaa muddo xiran jidka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho oo halbowle u ah nolosha dadka deegaanka. Jidkaas wuxuu u xiranyahay maleeshiyada Al-Shabaab oo dadka ku dhibaateeya deegaannadaas. Shacabka reer KG waxay u arkaan Rooboow in uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee awoodda u leh in uu jidkaas u furo, Al-Shabaabna ka adkaan karo maadaama uu si fiican u yaqaan. Waa taas midda ugu muhiimsan ee uu kasbaday taageeroo aad u weyn. Dadka reer Baydhabo waxay u arkaan xarigga loo gaystay Mukhtaar Rooboow in uu yahay gardarro iyo faro galin qaawan. Waxay ku doodayaan in raggii Rooboow la midka ahaa qaarkood xilal sare sare lagu abaal mariyay, waliba sirta qaranka lagu aamminay. Sida ay maanta ka dhawaajiyeen odayaal dhaqameed ku shiray Baydhabo oo eed gooniya ka tirsanayay Dawladda Federaalka.

Maxaa ka dhalan kara ku lug yeelashada  Itoobiyaanka ee xarigga Rooboow?

Ciidanka Itoobiya ee soo xiray Rooboow waxay ka mid yihiin ciidamadda nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM oo arrinta loo wakiishay (Mandate) ay ka reebayso in ay fara galiyaan arrimaha siyaasadda. Qabashada Mukhtaar waxay shaki galinaysaa in AMISOM ay sidii loogu talo galay u fulinayso qaraarka nambarkiisu yahay 2372(2017) ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ka reebaya AMISOM fara galinta arrimaha siyaasadda . Waxay sidoo kale arrintaan waxay muujinaysaa in Ciidanka Itoobiyaanku aysan ka amar qaadan taliska guud ee AMISOM ,maadaama war saxaafadeed maanta ka soo baxay AMISOM u madaxa hawlgalka , Ambassador Fransisco Madeira, ku sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn xiritaanka Rooboow iyo u wareejintiisa Muqdisho.

Shacabka maxaa la guboon?

Odayaasha, culimada, iyo wax garadka waxaa la gudboon in ay shacabka la hadlaan uguna baaqaan in ay is dajiyaan si aysan dhibaatadu usii baahin. Waa in ay kula taliyaan dadweynaha in ay joojiyaan dibad baxyada  rabshadaha wata sida taayaradda jidadka lugu gubayo oo ay ka dhalan karaan cudurro halis ah iyo dhibaato deegaanka soo gaarta. Ma jirto cid u dhisaysa haddii dadku ay magaalada iyo jidadkeeda bur buriyaan.

W/Q: Ahmednor Ugaas

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Xogdoonnews