Beesha Caalamka oo Kenya kula shiraysa Madaxda Maamula Goboleedyada

0

Sida aynu ku helnay ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu kulan ay isku waraysanayaan maamul goboleedyada iyo beesha caalamku ka dhacayo Magaalada Nairobi, Lama oga in kulankaas ay ka qaybgalayso dawladda FS iyo inkale.

Wararka ayaa tilmaamaya in shirkaas ay beesha caalamku doonayso in ay ku ogaato sababta bur burka ku keentay shirkii rajada wayn laga qabay ee ka dhacay Magaalada Garoowe.

Inkasta oo ay isbahaysi samaysteen sadexda Maamul goboleed ee Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, haddana siyaasiyiin ka mid ah sadexda isbahaysi ayaa inoo sheegay in isbahaysigaas aanu xiriir la lahayn shirkii Garoowe iyo khilaafka siyaasadeed ee Dawladda iyo Maamul goboleedyada, balse uu yahay mid sadexda maamul goboleed ay ku samaysteen iskaashi gaar ah oo dhinacyada amaanka, ganacsiga iyo in Puntland oo ka dhaqaalo roon labada Maamul goboleed ay saacido Maamulka Waare iyo Lafta Gareen.

Xubnaha Daneeya arrimaha Soomaaliya islamarkaana deeqaha iuyo mashaariicda kala duwan siiya ayaa ka walaacsan hanaanka ay ula macaamili karaan Madaxda iskhilaafsan ee Soomaaliya.