Gari Allay Taqaane yaa ku gobsan wax qaybinta Madaxweyne Axmed iyo Madaxweyne Guuleed "Daarood Iyo Hawiye"

0

Waxaa haatan isha lagu haayaa qaybtii Madaxweyne Guuleed ee golihiisha wasiirada uu ka siiyay Beesha Daarood iyo Axmed Madoobe qaybta uu ka siiyay Beesha Hawiye, waxaana wax kasta muujinaya sida labada dhinac ay wax u qaybiyeen.

Dadka qaar ayaa u arka labadana hogaamiye inay ku kala roonyihiin xaga qaybinta, waxaana lagu dhaliilayaa madaxweyne Axmed Madoobe qaybintii laga filanayay inuusan samayn.

Waxaan isbar bar dhig ku samaynaynaa xubnaha labada dhinac ay kala magacaabeen iyo sida ay wax u qaybiyeen.

Aan ku horayno Madaxweyne Guuleed iyo xubnaha muhiimka ah ee uu siiyay Beelaha Daarood, gaar ahaan beesha Sade.

1.Mudane Jaamac Xassan Salaad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose/Daarood Mareexan

2.Mudane Xassan Maxamed Warsame. Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Daarood, Mareexaan

3.Mudane Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Daarood, Mareexaan

4.Mudane Sheekh Ibraahim Xassan Guureeye, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Daarood, Mareexaan.

5.Maxamed Cabdullaahi Aadam, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Daarood, Mareexan.

Guuleed wuxuu siiyey Laf ka mid ah beelaha Daarood Shan wasiir oo aan kala dhicin,  Madaxweyne ku xigeen iyo 19 Xildhibaan.

Halka Axmed Madoobe Madaxweyne ku xigeenka 3aad 6 Xildhibaan iyo Hal wasiir, ka siiyey guud ahaan beesha Hawiye.

Hadaba waxaa lays waydiinayaa farqiga u dhaxeeya habka qaybinta xubnaha beelaha iyo sida labadaan masuul ay xubnaha ugu kala qaybiyeen beelaha ay ka soo jeedaan iyo kuwa la daga intaba.

DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here