BEYLE IYO GANACSATADA HALOO GAR NAQO.

0

Todobaad ka badan waxaa xiran dekedda Muqdsiho oo waxba kama soo degaan sababo la xiriira Canshuuraha oo la kordhiyey taasoo u cuntami weydey Ganacsatada shixnadaha kala soo degta dekedda weyn ee Magaalada Muqdsiho, hadaba su’aashu waxey tahay  xaggee wax iska qaban la’yihiin.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle oo amarka canshuur kordhinta soo rogey ayaa sheegey iney sidaa u yeeleen si ay ula jaan qaadaan wadamada dunida oo ay u farax geliyaan Hay’adda lacagta aduunka ee IMF oo ay dowlada Soomaaliya ka quuddareyneyso  iney ka cafiso deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

Ganacsatada gobolka banaadir oo ka duulaya canshuur kordhinta la soo rogey ayaa saxaafada la hadlay waxayna sheegeen in aaney aqbali Karin hadalada ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada oo hore u shaciyey in  la kordhiyey canshuuraha  laga qaado badeecooyinka kasoo dekeda Muqdsiho,.

Ganacsatadu waxay sheegeen iney yihiin canshuur bixiyaal daacad u ah Dowlada Federaalka Soomaaliya oo aaney kala maarmin iyaga iyo dowladoodu, waxayna intaa ku dareen in aaney suurtagal aheyn in dekeda muqdsiho oo kaliya  la takooro oo lagu kordhiyo canshuuraha iyadoo aan canshuuraha lagu kordhin  dekedaha kale ee dalku leeyahay.

In badan oo ka mid ganacsatada waxaa ka careysiiyey wareysi uu bixiyey Cabdiraxmaan Beyle oo uu ku sheegey in ganacsatadii diidda bixinta canshuuraha dheeraadka ah ee uu soo regey ay aadaan dekeda kismaayo oo ka qiima jaban dekeda muqdisho, waxay dad badani su’aal ka keeneen cidda xukunta dekeda kismaayo?

 Intaa kadib waxaan isticmaalay xirfadeyda oo waxaan soo ogaadey qaabka canshuuraha looga qaado badeecooyinka kala duwan ee ka soo dega dekedda Muqdisho. Ha ahaadeen Bagaash, Maacuun, Electaroonik IWM. Kartoon caadi 3$. S. Koli ama Kartoon weyn18$. Xirmo oo ka kooban qiyastii laba kartoon  7$.

Inta badan ma dhacdo iney Moobeelada kasoo degaan dekedda Magaalada Muqdisho, waxayna ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana halkii kIilo  oo Moobeyl ah la canshuuraa 4$.

MAXAA LA ISKU HAYAA?.

Waxaa la isku hayaa bixinta canshuurta Value Added Tax. oo loo yaqaan VAT. waxaa isweydiin leh sidee la isaga rabaa canshuurta VAT? Wasaarada uu madaxda ka yahay Mr. Beyle waxay soo rogtey in badeecada (Alaabta) oo dekeda ku jita laga qaado canshuurta VAT. Taasoo ah 5%. Waa lacagtii  laga rabey bakhaareeyda marka ay badeecadoodu u gadmaan.

Si kastaba Mr. Beyle Wasiirka Maaliyadda waa uu diidey inuu gorgortan la galo Ganacsatada Muqdisho si looga fara geliyo canshuurta uu soo rogey iyaguna  haddii ay yihiin Ganacsatada waa ay diideen iney bixiyan lacagta lagu soo rogey, waxay ku wanagsaneyd in loo gar naqo.si looga baxo dhbaatada jirta.

FG. Wararka I soo gaaraya ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wada gaareen ganacsatada raashinka keena sida Bariiska, Baastada, Burka IWM iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in aan badeecooyinka qutul daruuriga ah  la saarin wax canshuur dheeraad ah, waxaana durba soo gaarey suuqa Bakaaraha gawaarida sida badeecooyinka aan kor kusoo sheegay, waxaana intaa dheer in la shaaciyey Maanta iney dib u furantay dekedda Muqdiho tasoo ah mid laga badbadiyey..

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252615503978.