Booliska Gobolka Nugaal oo ka hadlay Ammaanka & Soo Dhoweynta Farmaajo

0

Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxay ka hadleen Ammaanka gobolka iyo Sida ay ugu diyaar garoobeen soo dhoweynata Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmaha soo socda ku wajahan halkaas.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Faarax Warsane Daad ayaa sheegay in Booliska Nugaal si gaar ahna kuwa magaalada Garoowe ee Xarunta ah ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta Madaxweynaha dalka.

Faarax Warsame ayaa dhinaca Ammaanka wuxuu ka yiri in ay aad u xaqiijiyeen, jeer ay Ciidamada Boolisku Habeen iyo Maalinba ka shaqeynayaan, sidii meesha looga saari lahaa falal Amniga liddi ku ah oo ka dhaca Garoowe.

“Booliska Qeybta Nugaal wuxuu diyaar u yahay in uu meesha ka saaro falalka Amni darro ee gobolka ka dhaca, waxay ciidamadeennu Shaqeeyaan Habeen iyo Maalin, si aaney u dhicin falal Amniga Khatar ku ah, waxaan diyaarinay qorshe fiican oo soo dhoweynta Madaxwene Farmaajo la xiriira” ayuu yiri Faarax Warsame.