Booliska Kenya Oo sheegay ianay Fashiliyeen Weerar xoog badan oo laga gaysan rabay dalkaas

0

War saxaafadeed kasoo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay qorshaynayaan inay qaadaan weerar la mid ah Kii lagu qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi sanandkii 2013-kii.

Warka kasoo baxay Booliiska Dalka Kenya ayaa lagu muujay in ciidamada howlgallo ay sammeeyeen todobaadyadii la soo dhaafay lagu qabtay Maxamed Cabdi Cali oo warbixintu ay xustay in uu ahaa arday waxbarasho ku yiray balse lagu tuhmayo in uu ku howlanaa Marin habaabinta iyo in uu Xagjirnimo ku boorriyo ardayda Jaamacaadaha dalka kenya wax kabarta.

Booliisku waxay sheegeen in kooxdan ay qorshaynayeen inay weerar loo adeegsadao sunta anthrax ay ka gaystaan gudaha Kenya.

Booliska Kenya ayaa Maxamed Cadi ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay shabakad fududaysa sidii dhalinyarada Kenya ay uga tagi lahaayeen dalkaasi islamarahaantana ay ugu biiri lahaayeen kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama Siria iyo Libia.

Sidoo kale Cidamada Ammaanka Dalkaasi ayaa Qabtay Nuseiba Mohammed Haji oo ah Xaaska Maxamed Cabdi iyo Haweeney kale oo lagu magacaabo Fatuma Mohammed Hansh, sidoo kalana la baadi goobayo laba qof oo kale oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Hish iyo Farah Daqane, kuwaas baxsaday intii howlgalka lagu guda jiray.

Booliska Kenya ayaa u ballan qaadday Cidii Keenta warbixinta Dhaqane iyo Axmed lacag dhan 2 million Kenyan shillings OO u Dhigmeysa ( $20,000)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here