Boqollaal Askarta Somaliland ah oo isu dhiibay Puntland

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Sanaag, waxaa ciidamo tiro badan oo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ay isu dhiibeen maamulka kale ee Puntland, iyagoo ka goostay dhanka Somaliland.

Inta la xaqiijiyay 160 Askar iyo Saraakiil Meletari ah oo ka goostay maamulka Somaliland ayaa u goostay dhanka Puntland waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay deegaanka Carro ee Gobolkaas.

Somaliland ayaa sheegeysa in markii hore ay ciidamadaas dhankooda ku biireen, haddana ay ka goosteen oo ay aadeen dhanka Puntland.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in Ciidamadaas ay lasoo xiriireen intii ay joogeen dhanka Somaliland, isla markaana ay u sheegeen in dhankooda ay usoo Goosanayaan, waana laga aqbalay oo soo dhoweyn ayaa loo sameeyay.

Ciidamadaan ka goostay Somaliland, waxay kusoo beegmeysaa iyadoo labada maamul ay ku dagaallamayaan deegaanno ka tirsan gobolka Sool.