BUR-BUR kusoo Fool leh Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliya, Madax waaweyn ayuu raadku gelayaa!

0

Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada ay  la dageen Dagaalada ayaa sannadihii la soo dhaafay waxay u muuqatey inay ka soo kabanayso fool-xumadii iyo bur-burki ka soo gaarey colaadihii sokeeye,  isbadalo badan ayaa lagu dhaqaaqay, horumar ayaa meelo kala duwan laga sameeyay,  mugdigii, cabsidii iyo xumaantii ayaa si tartiib tartiib ah u suushay, quruxdii, bilicdii iyo deganaantii ayaa dib u soo laabatey.

Ma yara goobaha lagu faani karo ee horumarka laga sameyay, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa xarumaha Dawladda Federaalka ee waxqabadka muuqda la yimid, Labaddii sanno ee ugu dambaysay waxay ku talaabsadey horumar aaney gaarin jaalkeeda kale, isbadal la yaab leh oo Kor iyo Hoos leh ayaa lagu sameeyay, haddii aad booqato ha ka dhex bixin ayaa ku qabanaysa sida loo casriyeeyey darteed.

Qeyb walba  si qurux badan ayaa loo habeeyay, kalama dhacaan waaxyaha ay ka kooban tahay, adeegyo ku raali galiyo oo gaarsiisan heer caalami ayaad ugu tagaysaa xaruntaasi, lugta marka aad galiso dhismaha ay ku shaqeyso  durbaba waxaa ku soo jiidanaya hawl-wadeenada ku  labisan  dharka isku eg ee Uniform-ka ah, soo dhawow, maxaa laguu qabtaa, baahidaadu maxay tahay iyo erayo kale oo hal hays u ah shaqaalahaasi ayaa dhegtaada ku soo dhacaya, nidaam iyo kala dambeyn shaqo inay goobtaasi ka jirto ayaad dha-dhaminaysaa.

Muwaadin kasta oo muraad ka yeesha Hay’addaasi waxaa hubanti ah isagoo maqsuud inuu ka soo laabanyo, ma dhaceyso inaad dareento daal, caajis iyo musuq-maasuq inta aad ku sugan tahay halkaasi,  cad-caddaan iyo  hufnaan  ayaa ASAL u ah shaqada goobtaasi ka socoto, qalab casri ah iyo Tiknoolajiyad caalami ah ayaa laguugu adeegayaa,  Berri soo laabo halkaasi lagama yaqaano, dharaarta aad joogto ayaa laguu qabanayaa waxii aad xaq u leedahay, Hay’addaasi haddii dhan kasta laga eego  waa ka dhameys hase yeeshee waxay u  baahan tahay in lagu sii fara adeygo horumarkeeda.

Sida dhibcaha Roobka oo kale looma helin  horumrakaasi lagu faani karo oo ay ku talaabsatey Hay’adda Socdaalka balse Halyeey Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inuu horseed ka noqdo, abaal aan gureyn waxaa looga hayaa Agaasimaha ku najaxay inuu xaruntaasi ka dhigo mid caalami ah, naftiisa ayuu hurey sidii  ay  xaruntaasi u soo gaari laheyd heerka ay maanta joogto, amaan bogaadin iyo hambalyo ayuu ku muteystay isbadalka la arki karo ee uu ka sameeyay goobtaasi iyo qeybaha kale ee ay Waaxda Socdaalka iyo Jinisyadaha ka hawl-gasho.

Nasiib darro Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo isku day lagu doonayo sidii xilka looga qaadi lahaa masuulkii caalamiyeeyay xaruntaasi, waa ayaan darro in halkii Agaasimahaasi laga dhiiri galin lahaa in la isku hawlo sidii loo jalaafeyn lahaa, xilku waa meerto,  la yaab ma leh in la isbadalo hase yeeshee waxaa murugo leh in masuul daacadnimo, dadaal iyo waxqabad la taaban karo muujiyay in  la niyad jabiyo.

Wararka la helayo ayaa caddeynaya in arintaasi uu ku mashquulsan yahay Agaasimaha Madaxtooyada ninka la yiraahdo Fahad Yaasiiin oo la tilmaamo inuu yahay Maalgiliyiihii Madaxweyne Farmaajo xilligii Doorashada, kursiga la doonayo  in laga kiciyo Coll. Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} ayaa lagu wadaa in lagu fariisiyo nin ay xigto yihiin Madaxweynaha Soomaaliya oo  magaciisa lagu sheegay Siyaad Shirwac, tariiq ahaan ninkaan la soo wado  ayaa ku caan baxay  IS-XAMBAARKA sharci darada ah waxaana uu sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa Muqalasiinta ugu macruufsan ee hawshaasi lagu bartey.

Waa suuragal inuu yimaado isbadalka la hadal hayo waana dhici kartaa inuu Fahad Yaasiin arintaani dib uga gurto, Toddobaadyada soo socda ayay wax walba  kala caddaan doonaan,  Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madax dhaqameed, Haween iyo Dhallinyaro aad u fara badan oo sheekadaasi  ka war helay ayaa ka digay in xilligaan isbadal lagu sameeyo hogaanka Hay’addaasi, iyagoo oo  caddeeyay  in arintaasi ay la micno tahay bur-burin lagu sameynayo Hay’addaasi.

Image result for Horumar Xarunta Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Xogdoonnews