Burcad Koofur Afrikaan ah oo Ganacsade Soomaaliyeed dalkaas ku dishay

0

Sida ay sheegayaa Wararka laga helayo magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, waxaa halkaas lagu dilay Xalay mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku Ganacsan jirtay.

Magaca Ganacsadaha la dilay waxaa lagu sheegay Liibaan Cali, wuxuuna ka mid ahaa Ganacsatada ay weerareen koox Burcad ah oo hubeysan.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in Burcaddu ay ugu galeen Xaruntiisa Ganacsi, isla markaana ay toogteen oo Boobeen Hantidii meesha u saarneyd.

Koofur Afrika halka ugu badan ee ay dilalka Soomaalidu ka dhacaan, dowladda dalkaas ayaana ku guuldarreysatay in ay Badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee Sida sharci darrada ah dilka iyo Boobka loogu hayo.