Buuq ka jira Xarunta Doorashada//Cusmaan Boqore oo Qeylada ka dhamaatay

0

Gudoomiyihii sidii Kumeel gaarka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa xakameyn la’ Xildhibaanada oo is dhex yaac ka sameeyey meeshaasi.

Waxa aad moodaa in la is maqli la’yahay oo Xildhibaanadu ay hadalka Gudoonka maqli la’yihin inay fariistaan loo jeediyey balse warka aysan dhag jalaq usiineyn.

Telefishinada ayaa lagu arkayaa Xildhibaanada oo utegaya Maxamed Cusmaan Jawaari uguna Hambalyeenayaan mar kale xilka uu ku guuleystay.

Waxaa hadli doona Murashaxiintii tartamay Ee Laga guuleystay iyadoo Jawaari qeybaha Dambe Khudbadiisa ay noqon doonto.

Dadka ayaa ka dhur sugaya Khudbadaha ay jeediyaan Murashaxiintii Baratanka dhexmaray iyo Nuxurka Warkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here