Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo farriin u direy Siyaasiyiinta mucaaradka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dhibaatooyinka amnidarro ee ka jira Magalada muqdisho,isaga oo sidoo kale baaq u diray Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibatooyinka amnidarro ee jira ayuu  ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amniga Soomaaliya ka hana qaaday.