Cabdi Qeybdiid oo sheegay inta Dastuurka laga dhammeystirayo in aan dhibaato laga bixi Karin

0

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, Sanatar Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ayaa sheegay in inta Dastuurka Soomaaliya uu Qabyada yahay aysan jiri Karin, si looga baxayo dhibaatooyinka ragaadiyay Umadda.

Is qabqabsiga jira ayuu sheegay Xildhibaanku in aysan dhammaan doonin inta la helayo dastuur dhammeystiran oo waxwalba ay ku cadyihiin.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ay weli ku kala Maqanyihiin Qabyanimada Dastuurka isla markaana aan la isi soo hor fariisin Karin, ilaa Dastuur ay ku kala leexdaan oo wax walba ku cadyihiin meesha la keeno.

“Si looga Gudbo Dastuurka KMG ah waxaa kaliya ee furan waa in ay is kaashi sameystaan, Dowladda, Shacabka iyo Maamul Goboleedyada, haddii taasi aysan dhicin in xaalku intaan kasii xumaado maahane kama hagaagayo” ayuu yiri Qeybdiid.

Madaxda Dowladda Federal-ka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayuu raaciyay hadalkiisa in ay tahay in Guntiga ay u xirtaan sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka Dalku leeyahay.