Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xildhibaan Aqalka Sare Kusoo Baxay

0

Waxaa doorashadii Maanta ka dhacday Muqdisho kusoo baxay Xildhibaan Aqalka Sarena ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dawladihii Dalka soo maray xilal badan kasoo qabtay.

Doorashada Kursiga Koobaad waxa ku tartamayey Xildhibaan Xaashi iyo Xildhibaan Maxamuud Jirde Xuseen hase ahaatee waxa guuleystay Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dawladihii TNG-da,Tii Cabdullaahi Yuusuf,Midii Shariif Sheekh Axmed iyo tan Xasan Sheekh Hogaaminayey intaba waa lasoo shaqeeyey Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxa uu Baarlamaankii 9aad Ahaa Xildhibaan Xaashi Gudoomiyihii Gudiga warfaafinta Baarlamaankaasi,isagoo maantana noqday Aqalka Sare Xubnaha kusoo baxay.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa umuuqda Siyaasiyiinta Da’da ah inay iskugu tageen oo ay kulaali doonaan Siyaasada Dalka islamarkaana ay Hogaamiye Kooxeedyo iyo Mas’uuliyiin Xilal soo qabtay ay iskugu jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here