Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo War kasoo Saaray Go’aankii Safarrada looga Mamnuucay

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Shir Jaraa’idka uu ugu Qabtay Xarunta Xisbiga Wadajir wuxuu ka sheegay in uusan Sharciga Waafaqsaneyn Amarkii Maxkamadda Racfaanku ay isaga uga mamnuucday in uu Safarro Dibadda ah Aadi karo.

Wuxuu sheegay Siyaasigu in ay taasi la mid tahay, dhibaatadii horay loogu geystay ee ay Mas’uulka ka ahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha sida uu hadalka u dhigay.

Amarka ay soo saartay Maxkamadda Racfaanka ayuu ku sheegay mid Siyaasadeysan oo aan aheyn mid Sifadii Sharciga aheyd soo Buuxiyay.

Filo Goordhow Shirka Jaraa’id