Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay in Wasiirro ka tirsan Somaliland xilalka laga Eryo

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa wuxuu ka codsaday madaxda Sare ee maamulkaas in ay xilalka ka eryaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee maamulkaas.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in wasiirrada qaar ee maamulka Somaliland aysan meteli karin Shacabka deegaannada maamulkaas ku nool, wuxuuna ku baaqay in ay Golaha deegaanka iyo Madaxweyne Muuse Biixi tillaabo ka qaadaan.

Wuxuu sheegay in ay ka xunyihiin in Shirkad loogu Magaca daray Somaliland oo laga dhisay magaalada Dubai ay tahay mid aan metelin Bulshada isla markaana dhibaato dhaqaale ay ka dhaxli karaan dadka Somaliland.

Laba Wasiir oo ka tirsan Maamulka Somaliland oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulkaas Sacad Cali Shire ayaa ah kuwa Shirkaddaas sameystay isla markaana doonaya in ay ku dhaawacaan jiritaanka Maamulkaas, sida uu hadalka u dhigay Cirro.

Cirro ayaa ugu baaqay ninka uga guuleystay Doorashadii lasoo dhaafay ee Muuse Biixi in uu xilalka ka Eryo Labada Wasiir ee sidaas ugu tumaneysa jiritaanka maamulka Somaliland, bulshadana Sicir Bararka u horseedaya.