Cabdiweli Gaas oo war Adag kasoo saaray Khilaafkii Dekadda Boosaaso

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe keddib Toddobaad ay isaga iyo wafdi uu horkacayo ku sugnaayeen Muqdisho, ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah.

Kulan uu wariyeyaasha ugu qabtay aqalka Madaxtooyada Puntland ayuu ka sheegay arrimo badan, isagoo ka hadlay Kufsi Gabar loogu geystay Boosaaso, Khilaafka Dekadda Boosaaso, Waxa Puntland uga soo Baxay Shirkii Muqdisho iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si weyn ugu dheeraaday ka hadalka Dhismaha dekadda Boosaaso ayaa sheegay in ay taasi dan u tahay Shacabka iyo Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in dadka khilaafsan Arrintaas looga baahanyahay in ay ka waantoobaan isla markaana ay dhanka wanaagsan ka eegaan waxqabadka Dowladda Imaaraadka ee lagu wareejiyay dhismaha iyo Maamulka dekadda.

Dhowaan ayey aheyd markii Ganacsato kasoo jeeda Puntland ay dhaliil ka hor geeyeen Shirkadda Imaaraadka ah ee lagu wareejiyay dhismaha iyo maamulka Dekadda, waxayna u arkayeen mid caqab xooggan ku noqoneysa Ganacsigooda.