Cadaado:- Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Furmay

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka furay kalfadhiga Baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug ay kulamadooda ay ka dhici doonaan magaalada Cadaado sida horayba loo qorsheeyay sida uu yiri guddoomiyahu.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya xili ay taagan tahay kala aragti duwnaasho soo kala dhax gashay madaxda ugu sareysa maamulkaasi.

Kuwaas oo kula aragti duwan qaabkii loo mideeyay Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna.