Cali Geeddi oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho, “Cidna lagama Tuugayo”

0

Cali Maxamed Geeddi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa sheegay in Maqaamka Muqdisho aan cidna looga gacan hoorsaneyn, isla markaana uu yahay Dastuuri.

Keddib Khilaaf Sababay xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ka hadlay Arrintaas iyo Arrimo kale oo Maqaamka Caasimadda la xiriira Cali Maxamed Geeddi.

Isagoo ka qeyb gelayay Munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayuu sheegay Cali Maxamed Geeddi in uusan istaagi doonin dadaalka loogu jiro raadinta Maqaamka Muqdisho, xataa haddii uu sababsaday xilkii Thaabit Cabdi Maxamed.

Wuxuu sheegay in ay tahay Arrinta Maqaam raadinta Muqdisho mid Dastuuri ah, isla markaana uusan xataa Madaxweynuhu hor joogsan karin.